Ciidan Eritrea ku diyaarineyso xadka Tigray oo sawirro qarsoodi ah laga qaaday (Daawo)

Sawiro qarsoodi ah oo uu qaaday dayax gacmeed ayaa muujinaya in is-urursi ciidan uu bishan ka socday magaalooyinka labada dhinac ee xuduudka woqooyi ee Itoobiya ay la wadaago Eritrea, sida ay sheegtay shirkad madax-bannaan oo Mareykan ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintan ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin sawirada muujinaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la sheegay inay ka danbeeyeen burburkii xabbad-joojin shan bilood ah oo ka socday gobolka Tigray ee Itoobiya 24-kii Agoosto.

Sawirrada la helay 26-kii Sebtember ayaa muujinaya ciidamo milateri, gaadiid iyo madaaficda goobta oo ku sugan magaalada Shiraro, oo u dhow xudduudda waqooyi ee Tigray ay la wadaagto Eritrea, sida ay sheegtay Maxar Technologies Inc, oo ururisa ama daabacda sawirka dayax-gacmeedka ee gobolka.

Inta badan isgaarsiintii gobolka Tigray ayaa hawada ka maqneyd in ka badan hal sano.

Ciidamada Tigray ayaa 13-kii Sebtembar sheegay in ciidamada Eritrea oo ka barbar dagaalamayay askarta Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Shiraro tan iyo markii uu dagaalku soo cusboonaaday balse waxay sheegeen in dib loo jebiyay.

Eriteria ayaa taageertay millatariga Itoobiya wajiyadii hore ee dagaalka, laakiin dowladda Eriteria ma aysan xaqiijin ka qeyb galka dagaalka tan iyo markii ay burburtay xabbad-joojinta, balse waxay sheegtay horraantii bishan in qaar ka mid ah ciidamadeeda keydka dib loogu yeeray.

Ciidamada Tigray ayaa dagaal kula jira ciidamada federaalka Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamada Eritrea iyo dagaalyahanno kasoo jeeda gobollada deriska la ah Itoobiya, dagaalkaas oo socday ku dhawaad labo sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -