Milateriga Somalia oo Maxkamad la’aan fagaare ku toogtay lix nin (Magacyada)

Ciidamada dowladda federaalka ah ee ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa xukun toogasho ah ku fuliyey lix nin oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Lixda nin ayaa ka mid ahaa sagaal qof oo ay Ciidamada amaanka ku hayeen xabsi ku yaalla Baardheere, waxaana saraakiisha Ciidanka ay sheegeen in iyagoo aan maxkamad marsiin ay raggaasi toogteen iyagoo fulinaya go’aan dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dadka la toogtay ayaa kala ahaa:-

1.Saleebaan Maxamed Sheekh

2. Maxamuud Maxamed Buule

3. Maxamed Cabdi Cali.

4. Maxamed Yuusuf Isaaq

5. Aadan Carabeey Xalane.

6.Maadeey Xaaji Macalin.

Faarax Max’ed Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku waramay in muddo shan bilood ah uu soo socday kiiskan.

“Raggani waxay ka koobnaayeen labo kooxood, koox waa kuwa qaraxyada geysta, kooxda kalena waa kuwa dadka dila, muddo dheer ayaa lagu daba jiray oo xogtooda la hayey, dad ka badan 14 qof ayey dilal iyo qaraxyo ku laayeen, weyna qirteen dembigaas” ayuu yiri Faarax Max’ed Turbac.

Al-Shabaab ayaa war ay ku faafiyeen barahooda waxay ku sheegeen in dadka la toogtay aysan kooxdooda ka tirsaneyn, ayna ahaayeen shacab aan waxba aan galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -