Allbanaadir.com
NEWS

Nin oday ah oo caawa lagu dilay bartamaha Suuqa weyn ee Bakaaraha (Daawo Sawirro)

Kooxo hubeysan ayaa caawa maqribkii ku toogtay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho nin oday ah oo ka mid ahaa dadka ku sugnaa Suuqaas.

Dilkan ayaa ka dhacay wado ka timaada Suuq yaraha sarifka oo xagga dambe ka marta xaruntii hore ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku taalla Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in odaygan oo wadada iska socday ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday markii dambe.

Lama oga illaa hadda waxaa uu ahaa odaygan iyo sababta ka dambeysay in raggan hubeysan ay toogashada ku dilaan, iyadoo sida wararku sheegayaan markii dambe dad eheladiisa ah ay goobta ka qaadeen meydkiisa.

Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Muqddisho iyo guud ahaan Somalia ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca dilal loo geysto qaar ka mid ah ciidamadea amaanka iyo dad rayid ah, iyadoo inta badana ay baxsadaan kooxaha hubeysan ee dilalkaas geysta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidan Jubbaland loo tababaray oo dhoolatus soo bandhigay

Caydiid Ali

Mareykanka oo duqeyn culus ku garaacay godad ay ku jireen Daacish

Cabdi Cade

Haweeney Ra’isul Wasaare ah oo kasoo laabatay Fasaxa Umusha (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---