Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo Xil ka qaadis isku diyaarinaya (Akhriso Liiska ugu horeeya)

Qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xiligan lasoo daristay wal wal xoogan kadib markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii gobolka Banaadir oo horey u keensaday.

Sida ay ka warqabaan Bulshada gobolka Banaadir Gudoomiyaashan ayaa ahaa kuwa aan markii hore lagu xulan waxqabad , aqoon iyo karti ,balse lagu soo xulay in ay saaxiib dhaw la ahaayeen Taabit iyo kuwa loo keenay in ololihii Madaxweynaha ka qeyb qaateen .

Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa u badan kuwa qurbaha laga keenay wax badan kala socon xaalada Degmooyinka ay ku magacaaban yihiin, waxaana waxqabadkooda noqday mid fashilmay oo aysan ku qanacsaneyn dadka deegaanka.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka niyad jabsanaa Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo ahaa kuwa aan kasoo bixin waajibaadkii loo igmaday, waxa ayna inta badan ku mashquulsanaayeen baraha bulshada iyo howlo kale oo dadka dani ugu jirin.

Waxaa hada wadnaha farta ku haya xil ka qaadista isku diyaarinaya qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa saaxiibada dhaw la ahaa Gudoomiyihii xilka laga qaaday.

Gudoomiyaashan ayaa ahaa kuwii xalay Muqdisho ku shiray kuna shaaciyay in ay Gudoomiyaha gobolka u doorteen Taabit mudo labo sano ah, arintan oo dad badan fajac iyo layaab ku noqotay.

Waxaa suurto gal ah in Wasaarada Arimaha Gudaha xilka ka qaado qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha deegmooyinka hada xilka haya, waxaa sidoo kale laga yaabaa in dhamaan hal mar xilka laga wado qaado Gudoomiyaasha sida uu horeyba u dhacday.

Halkna ka Akhriso Liiska Gudoomiyaasha ugu horeeya ee laga yaabo in xilka laga qaado kuna dhawaa Taabit

1-Maxamed Axmed Cantoobo :Degmada Hodan

2-Zainab Maxamuud Warsame: Degmada Wardhiigley

3-Cabdikariin Cali Kaar : Degmada Howl-Wadaag

4-Rowdo C/llaahi : Degmada Waabari

5-C/wali Nuur faarax Fagalax -Degmada Dayniile

6-Sharmaarke Maxamed Ladane- Degmada C/casiis

7-C/raxmaan Siid Cali -Degmada Dharkeynley

8-Axmed Xasan Maxamuud Degmada Yaaqshiid

9-C/wali C/llaahi Maxamed :Degmada Xamar Jajab

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -