Villa Soomaaliya yey la dooneysaa xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ?

Waxaa soo baxaya warar ku saabsan in Madaxtooyada Soomaaliya ay dad gaar ah la dooneyso hogaanka sare ee maamulka Hirshabelle, xili uu dhamaad hada yahay jiritaanka maamulka uu Hogaamiyo Madaxweyne Waare

Dhismaha maamulka Hirshabelle ayaa hada wajahaya caqabado adag oo laga cabsi qabo in uu bur bur u horseedo maamulkaasi magac u yaalka ah balse aan waxba ka qaban ilaa hada labada gobol uu ka taliyo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay wado qorshe ay ku dooneyso in isbadal lagu sameeyo hogaanka sare ee maamulkaasi gaar ahaan xilka  Madaxweynaha oo horey loogu qoondeeyay beesha Xawaadle.

Siyaasiyiin ayaa laga soo xigtay in Villa Soomaaliya dooneyso in xilka Madaxweynaha Hirshabelle la siiyo shaqsi kasoo jeeda Beesha Abgaal gaar ahaan waxa ay aad u daneeneysaa villa Soomaaliya Cali Guudlaawe oo awood ku leh Shabeelaha Dhaxe.

Qorshaha Villa Soomaaliya waxaa si weyna uga soo horjeeda siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Xawaadle oo iyagu ku hanjabay in ay isaga baxayaan maamulka Hirshabelle hadii lagu qabsado xilka Madaxweynaha .

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa hada wado wadatashiyo ku aadan sida ugu macquulsan ee loo mari karo dhismaha maamulka Hirshabelle oo hada dib u dhiskiisa caqabado xoogan lasoo darseen.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaana aaminsan in suurto gal noqon karto in Villa Soomaaliya wax ka bedesho qorshihii hore ee xilka Madaxweynaha ula dooneysay beesha Abgaal hadii uu kordho caqabadaha hada ku horgudban dhismaha maamulkaasi.

Doorashada maamulka Hirshabelle ayaa kusoo aaday xili xasaasi ah oo laguda gali rabo doorashada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana doorashada Hirshabelle hada soo foodsaaray caqabado dib u dhac u keeni karo dhismaha maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -