Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha dibadda Eritreya & wafdi uu horkacayo oo gaaray Addis ababa (Daawo Sawirro)

Wafdi sare oo dowladda Eritreya ka socda ayaa gaaray maanta magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo wafdgigan uu yahay kii ugu horeeyey Eritreya ee muddo 20 sano ka dib gaara dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Osman Saleh ayaa wafdiga Eriteriya, waxaana ka mida la taliyaha madaxweynaha Eriteriya  Yemane Ghebreab iyo xubno kale.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya oo ugu horeeyo raisul wasaare Abiy Ahmed ayaa si weyn ugu soo dhoweeyay wafdigan garoonka Caalamiga ah ee Pole International ee magaalada Addis ababa.

Arrintan ayaa ka danbeysay go’aankii uu qaatay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed oo ka tanaasulay dhulkii ay isku heysteen dalka Ereteriya, kasoo guddi caalamI ah ay u xukuntay dalka Ereteriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dacwad ku soo oogay 36 nin oo ajnabi ah (Sababta)

Caydiid Ali

Shariif Xasan oo goordhaw Wariyaasha isugu yeeray iyo Warar kala duwan oo…

Cabdi Cade

Imaaradka oo ka Jawaabay Faro-gelin la sheegay in ay ku sameeyeen Doorashadii Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---