War deg deg ah: Thaabit oo War cad ka soo saaray xilka ka qaadista lagu sameeyey (Akhriso)

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xilka ka qaadista lagu sameeyey iyo waxyaabaha keenay khilaafka arintaas sababay.

Isagoo ka hadlayey shir jaraaid oo uu caawa ku qabtay hoygiisa ayuu sheegay inuu aqbalay xilka ka qaadista ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo, uuna xilku yahay meerto, isagoo u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Ing. C/raxmaan Yariisow.

Taabit ayaa War-saxaafadeed uu ka soo saaray shirkiisa jaraa’id ugu baaqay shacabka iney ilaaliyaan xasiloonida, isagoo dalbaday in xanibaada laga qaado xarunta maamulka gobolka Banaadir oo aan maanta shaqeynin.

Waxaa uu ciidamada amaanka ugu baaqay iney furaan wadooyinka magaalada qaarkood oo ay xireen sababo la xiriira xiisadaha siyaasadeed ee maalmahan ka jiray Magaalada.

Waxaa uu sheegay inuu magacaabi doono guddi ka shaqeeya qaban-qaabada munaasabad uu sheegay inuu xilka ku wareejin doono gudoomyaha cusub ee loo magacaabay maamulka gobolka Banaadir.

Nuqulo ka mid ah War-saxaafadeedka uu soo saaray Taabit oo loo soo diray Allbanaadir.com ayaa u qornaa sidatan:-

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -