Wafdi ka socda Kuuriyada Woqooyi oo booqasho taariikhi ah ku jooga Magaalada Seoul (Sawirro)

Wafdi ka socda Kuuriyada waqooyi ayaa ku tegey Kuuriyada koonfureed Socdaal taariikhi ah, si ay u soo booqdaan goobaha dhaqanka ee lagu qaban doono ciyaaraha Olmbikada qaboobaha ee bisha soo socota dhici doona.

Waxaa hogaaminaysay Hyon Song-wol, oo ah gabadha madaxda u ah kooxda gabdhaha ee Moranbong, isla markaana aad looga yaqaanno waqooyiga.

Kuuriyada waqooyi ayaa ogolaatay inay wafdi u dirto cayaaraha, ka dib wadahadalladii ugu horreeyey ee heerkoodu sarreeyey ee labada dhinac ay yeeshaan muddo laba sano ah.

Waa markii ugu horraysay ee saraakiil ka socota Pyongyang ay soo booqdaan koofurta muddo afar sano ah.

Go’aanka ayaa loo arkaa horumar laga gaaray dhanka diblomaasiyadda, ka dib bilooyin ay taagnayd xiisad ku saabsan barnaamijka Kuuriyada waqooyi ee Nukliyeerka.

Warbaahinta maxalliga ayaa muujisay wafdiga Kuuriyada waqooyi oo bas kaga gudbaya xudduudda aadka loo ilaaliyo, ka hor intii aysan imaanin caasimadda Kuuriyada koofureed ee Seoul.

Ms Hyon waxaa xataa si ku tiri-ku-teen ah loogu xaman jiray inay saaxib la tahay hogaamiyaha, Kim Jong-un, walow ay taasi ku gacan sayreen dadka la socda arrimaha Kuuriyada Waqooyi.

Waxay hogaamin doontaa kooxda fanka Samjiyon ee ka kooban 140 ka qof, oo lagu wado inay laba bandhig ku yeeshaan – mid ka dhacaya Seoul iyo mid ka dhacaya Gangneung – inta ay socdaan cayaaraha olombigga.

Labada maalmood ee booqashadoodan ayaa la filayaa inay qayb ka noqoto dhowr loogu diyaar garoobayo ka qayb galka ay cayaaraha ka qayb galayso Pyongyang.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -