Allbanaadir.com
NEWS

War deg deg ah: Ciidamo iyo gaadiid dagaal oo caawa la soo dhoobay xarunta dowlada hoose

Ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiid dagaal ayaa caawa la soo dhoobay iskuna gedaamay Xarunta Maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo qaab qabiil u abaabulan ay ka kala yimaadeen gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe kuna hubeysan yihiin tobaneeyo ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Arintan ayaa ku soo aaday xili caawa xubno ku shiray xarunta gobolka Banaadir ay shaaciyeen iney guddoomiyaha gobolka Banaadir u doorteen labada sano ee soo socota Taabit Cabdi Maxamed taasoo la yaab iyo fajac ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan dalka iyo dibeda.

Xarunta dowladda hoose ayaa waxaa ku sugan gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, warar kale oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada ay iyana halkaas gaareen si ay xulufo ugu noqdaan Gudoomiye Taabit oo caawa weji lama filaan ah la soo baxay.

Ciidamadan isku gedaamay xarunta gobolka Banaadir oo sida aan wararku ku heleyno ay hogaaminayaan saraakiil caan ah ayaa loogu talo galay iney Taabit ka difaacaan ciidamada nabad sugida Qaranka, haddiiba ay isku dayaan iney soo qabtaan oo xiraan sababo la xiriira waxyaabaha caawa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda Qaranka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadda u muuqata mid faraha ka baxday, lugahana la gashay marxalad halis ah taasoo walaac badan ku abuurtay shacabka Muqdisho, lamana oga sida xaalku noqon doono saacadaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in dayuurad ay leedahay Q/Midoobey ay ku dhacday duleedka Muqdisho?

Caydiid Ali

Rag laga dilay Al-Shabaab & hubkooda oo lagu soo bandhigay Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyihii hore ee Sirdoonka Sacuudiga oo kashifay sir culus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---