Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo codsi ka dhan ah dowladda Soomaaliya u dirtay Deeq bixiyaasha Caalamka

Waddamada deeq bixiyaasha caalamka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya usoo marsiisa deeqaha lacageed iyo mashaariicda ay ka fuliyaan dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ay ku jirto maamulka Somaliland oo madax-bannaani raadinaya.

Wasiirka Qorsheynta maamulka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa ka dalbaday waddamada deeq bixiyaasha caalamiga ah in kaalmada ay siiyaan Somaliland si toos ah ugu soo wareejiyaan ayna usoo marsiin meelo kale.

Waxa uu sheegay wasiir Axmed Toorno in maamulka Somaliland uu yahay mid ka madax-bannaan dowladda Soomaaliya, waxa uuna ka dalbaday deeq bixiyaasha in Somaliland toos ugu wareejiyaan kaalmada ay siiyaan ama usoo marsiiyaan hay’ad ama shirkad gaar ah.

‘’Waxaynu ka codsanaynay deeq bixiyayaasha caalamiga ah in deeqda dadka reer Somaliland ay siinayaan in ay si toos ah ugu cawiyaan Somaliland, ama hay’ad calami ah ha u soo mariyaan ama shirkad gaar ah ha u soo mariyaan ama dawladda Somaliland ha ugu dhiibaan ama iyaguba toos ha u fuliyaane, sababta aan sidaas u lahayna waxa weeyaan Soomaaliya iyo Somaliland berigii hore isku wadan bay ahaan jireen, laakiin hadda waa labo wadan oo kala duwan’’ ayuu yiri Wasiir axmed Toorno.

Waddamada deeq bixiyaasha caalamka ayaa u aqoonsan Somaliland maamul  hoostaga dowladda Soomaaliya , waxa ayna deeqaha iyo waxyaabaha kale ay ugu talagaleen maamulkaasi soo marsiiyaan dowladda ee xarunteeda tahay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Maaliyadda iyo Ganacsaada Gobolka Banaadir yaa shacabka u wanaagsan?

Cabdi Cade

Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Diyaarad kusoo dhacday deegaan ay maamulaan

Cabdi Cade

Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay isaga Difaacaan dagaalyahanada Al Shabaab

Cabdi Cade