Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Mid ka mid ah degmooyinka G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa guddoomiye Cusub u magacaabay degmada Yaaqshiid.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid waxaa loogu Magacaabay Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid ee Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab.

Magacaabidan ayaa timid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu shaqo joojin ku sameeyey Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow) oo lagu eedeeyey Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Guddoomiyeyaashii labada degmo ee Xamar weyne iyo Shingaani oo iyana dhowaan shaqo joojin lagu sameeyey ayaan illaa hadda loo magacaabin masuuliyiin cusub, waxaana howlaha degmooyinkaas sii wada guddoomiye ku-xigeenada labada degmo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar ku qaaday xero ay degan yihiin Booliisa Milataare

Cabdi Cade

Sidee ku dhacday 16-askari oo kasoo lugeysay Kismaayo in ay tagaan Baraawe ? !!

Cabdi Cade

Xarun Hormuud leedahay oo la Gubay & mid ka mid ah shaqaaleheeda oo dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---