Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Somalia oo goor dhow geeriyooday

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa galabta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Xildhibaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush)

Xubno ka tirsan eheladiisa ayaa sheegay in xildhibaanka uu wadnuhu  joogsaday si lama filaan ah uuna qabay cuduro ay ka mid ahaayeen dhiigkarka.

Axmed Mayow Cabdulle ayaa waxaa laga soo doortay degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu kamid ahaa Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda nawaaxiga degmada Afgooye.

Meydka Xildhibaanka oo yaalla Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -