Dowlad Afrikaan ah oo digniin adag u jeedisay Shirkadda dayuuradaha British Airweys (Daawo Sawirro)

Wasiirka duulista hawada ee Ghana haweeneyda la yiraahdo Cecelia Dapaah ayaa uga digtay shirkadda dayaaradaha ee British Airways inay wajihi karto mamnuucid, ka dib markii mid ka mid ah dayuuradaheeda lagu arkay Kutaan ama dhilqe

Wargays ka soo baxa dalka Britain ayaa qoray in mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda British Airways oo duulimaad ku kala bixinaysay London iyo Accra la hakiyay muddo 4 saacadood ah ka dib markii kuraasta diyaarada lagu arkay cayayaanka kutaanka oo qulqulaya.

Shirkada diyaaradaha ee British Airways oo bayaan ka soo saartay arrintan ayaa sheegtay in dhacdadani ay tahay mid dhif iyo naadir ah islamarkana khubaro loo saaray si ay tillaabo degdeg ah u qaadaan.

Shirkadda British Airways ayaa duulimaadyo toos ah ugu kala gooshta UK iyo Ghana todobaad walba waxayna Ghana u tahay goob muhim ah oo ay diyaaradahooda duulimaad ku tagaan sida au sheegeen masuuliyiinta shirkaddaas.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -