Baarlamaanka Iiraan ayaa ansixiyay go’aan lagu xirayo marin-biyoodka Hormuz kaddib duqeymo Mareykanku la beegsaday saddex xarumood oo nukliyeer ah.
Waxaa la sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee golaha sare ee Amniga Qaranka si tallaabadaas loo hirgeliyo, sida ay werisay Reuters oo soo xiganaysa Press TV.
“Talo ahaan, baarlamaanku wuxuu go’aansaday in marin-biyoodka Hormuz la xiro,” ayuu yiri Janaraal Sare Esmaeil Kowsari oo ka tirsan Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka, sida ay baahisay Press TV oo ay dawladdu leedahay.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa loo arkaa albaabka ugu muhiimsan ee dhoofinta saliidda dunida.
Waa marin-Badeed istaraatiiji ah oo aad muhiim u ah, kuna yaalla bariga Gacanka Carabta, wuxuuna isku xiraa Gacanka Carabta (Persian Gulf) Badda Caalamiga ah ee Gacanka Cumaan (Gulf of Oman) iyo halkaas ka sii ka sii gudba Badda Hindiya (Arabian Sea).
Wuxuu ku yaal oo uu dhaxeeya Iiraan iyo Imaaraadka Carabta iyo Oman. Dhinaca Waqooyi waxaa ka xiga Iran. Dhinaca Koonfureed waxaa ka xiga jasiiradda Musandam, oo ka tirsan Sultanate of Oman, inkastoo ay go’doon tahay hadana waa dhul Oman leedahay.
Imaaraadka Carabta (dhowr KM u jira, si toos ah ugama mid aha marinka, balse saameyn ayuu ku leeyahay)
Waxaa laga dhoofiyaa in ka badan 20% saliidda caalamka. Waa meelaha ugu xasaasisan ee Maraakiibta Shidaalka uga gudbaan Bariga Dhexe ilaa caalamka intiisa kale.
Haddii uu xirmo ama qalalaase ka dhaco, qiimaha saliidda adduunka ayaa si weyn u kici kara, taasoo saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha dunida oo dhan.