Muuse Biixi oo ka hadlay dilkii Gen. Galaal iyo amni darada ka jirta Muqdisho

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadka lagu laynayo magaalada Muqdisho, isagoo ka tacsiyadeeyey geeridii Jeneraal Galaal iyo dadkii kale ee lagu dilay weerarkii habeen hore ka dhacay Hotel Afrik.

Biixi ayaa hadalkan ka jeediyey maanta munaasabad lagu xusaayey 27 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka militeriga Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ku tilmaamay oday Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ugu aqoonta badan arrimaha ciidanka.

“Jeneraal Galaal oo aan anigu shakhsiyan aad iyo aad u aqaanay oo oday Soomaaliyeed ahaa oo garanaya qadiyada Somaliland waxay ku fadhido xog-ogaalna u ahaa, aad iyo aad ayaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskiisii, dadkiisii iyo intii kale ee taqaanayba,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan aad iyo aad uga xunahay maalin walba dadka dhimanaya ee dhiigoodu daadanayo ee muslimka ah, ee aan mid mid u garanayno, kuwaasoo ay u dambeeyeen kuwii lagu laayey Hotelka Afrik.”

Madaxwaynaha Somaliland ayaa khudbadiisa sidoo kale ku sheegay inay wax la qaban la haayeen madaxda Soomaaliya haddii ay aqbali lahaayeen in Somaliland masiirkeeda ay u madax banana tahay.

“Soomaaliya waa dad aynu jaarnahay oo muslim ah, dhibaatada gaareysa wayna damqineysaa, haddii itaal wayn aynu leenahay, iyaguna ay garanayaan waxaan isku nahay, dadkooda iyo dowladooduna siday u fikirayaan si ka duwan u fikiraan. Maanta tabaaladooda iyo waxtarkooda dadka ugu dhow ee qaban lahaa ayaynu nahay,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -