Allbanaadir.com
NEWS

Wafdigii uu horkacayey Madaxweyne Farmaajo oo gaaray degmada Caabudwaaq

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Farmaajo iyo wafdiga laga socda  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Caabudwaaq, iyadoo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa oo saaka ka soo ambabaxay Magaalada Guriceel ayaa soo maray degaanada kala ah Balanbale iyo xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Waxaa socdaalka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku wehliya Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Madaxa Golaha Xukuumadda ee Galmudug, Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ah, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo weeraray Markabka dagaalka USS Harry S. Truman

Caydiid Ali

Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale oo maanta mar kale Maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade

Tababar jabuuti ugu dhamaaday ciidan Soomaali ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---