Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay in xabad-joojintii kala dhaxaysay Mareykanka ay ka baxeen ka dib weerarkii Mareykanu ku qaaday xarumaha Nuclearka Iran.
War ka soo baxay Xuutiyiinta ayaa si rasmi ah u sheegay in heshiiskii xabad-joojinta ee ay la galeen Mareykanka inuu hadda si buuxda u burburay.
“Weerarka gardarrada ah ee ay maamulka Trump ku qaaday saddex xarumood oo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay waa ku dhawaaqid dagaal cad oo lagula kacay shacabka walaalaha ah ee Iiraan” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xuutiyiinta
Talaabadaan ayaa ka dhigan in mar kale laga filan karo dagaallo cusub iyo weerarro ka dhan ah danaha Maraykanka ee gobolka bariga dhexe, gaar ahaan Badda Cas iyo Yemen.
“Waxaan xaqiijinaynaa in Jamhuuriyadda Yemen ay ka go’an tahay hadalka ciidamada qalabka sida ee ku saabsan diyaar-garowgooda ay ku beegsanayaan maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga ee Maraykanka ku sugan Badda Cas, si ay u difaacaan umaddayada” ayaa sidoo kale lagu yiri warka.