Maxaa ka jira in Madaxweyne Xaaf xilka ka qaaday Madaxa Xukuumada Galmudug ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu faafinayay Warqad la sheegay in ay kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, waxaana Warqada lagu sheegay un xilka laga qaaday Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir.

Warqadahan lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa si deg deg ah uga hadashay been abuurna ku tilmaamay Madaxtooyada Galmudug, waxa ayna ku eedeesay in arintaasi ka dambeeyeen dad kasoo horjeeda jiritaanka Galmudug.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Madaxtooyada Galmudug kasoo baxay

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay Facebook la wareejinayaan qolyaha diidan jiritaanka iyo hormarka Galmudug kaas oo ah in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu xilkii ka qaaday Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir.

Waxa uu xafiiska Madaxweynaha Galmudug u xaqiijinaya shacabka reer Galmudug in ay waraaqda la wareejinayo Facebook been abuur tahay Dacaayadaas raqiiska ah ee qolyaha naf la caariga ahi wareejinayaana ay ku diidanyihiin Hormarka Galmudug

Ma jiraan wax xil ka qaadis ah waana been abuur waxa jira qolyo isku dayaya in ay qalqal galiyaan Galmudug balse waan la xisaabtami doona dadka doonaya in ay fidnada iyo qalqalka ka dhax abuuran Galmudug mana aqbali doona in sidaa daciifka ah looga faa’iideysto in qalqal la galiyo jiritaanka iyo masiirka Reer Galmudug

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -