Maamulka Gobolka Banaadir oo bur burin ka sameeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa howlgal bur burin ah xalay ka sameeyay qeybo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho , waxa ayna ciidamada bur burinayeen sandaqaha laamiga dhinaciisa la dhigay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Yariisow) iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray goobaha ay ciidamada dowlada hoose ee Xamar ka wadeen bur burinta.

Bur burinta sandaqaha iyo goobaha kale ee sharci darada ah ayaa maamulka gobolka Banaadir uga gon lahaa soo celinta bilicda Caasimada Muqdisho gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horey sidan oo kale bur burin uga sameeyay wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, waxaana maalmo kadib  wadooyinka dib loogu soo celiyaa sandaqadihii iyo goobihii kale ee la bur buriyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -