Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hooyo Soomaali ah & Wiilkeeda oo ku dhintay shil ka dhacay Maraykanka (Magacyada)

Sida ay baahiyeen Warbaahinta Maraykanka qaarkood hooyo Soomaali ah iyo wiil ay dhashay ayaa ku naf waayey shil gaari oo ka dhacay gudaha dalkaas.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari xamuul ah uu jiiray gaariga ay wateen hooyadan iyo wiilkeeda meel ku dhow degaanka Utica.

Booliska ayaa sheegay in hooyaddan iyo wiilkeeda oo ka soo jeeda Jasiirada Grand Island ee dalka Maraykanka lagu kala magacaabi jiray Maryan Serar oo 58 jir aheyd iyo wiilkeeda Khadar Mohamed oo 30 jir ahaa.

Gaariga xamuulka ah ayaa la sheegay inuu ku dhacay qar baraf ah kaasoo sababay in darawalkii waday oo dhaawacmay uu lumiyo kontrolka gaariga, wuxuuna si lama filaan ah u jiiray gaariga ay wateen hooyadan Soomaaliga ah iyo wiilkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe oo la kulmay wasiiro uu ku jiro Mukhtaar Roobow

Caydiid Ali

Nin Soomaali ah oo dil argagax leh ka geystay Magaalo ku taalla Jarmalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Saddexda Musharax ee ugu cadcad gudoonka Golaha shacabka iyo ku-xigeenadiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---