Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ka madax banaan DF iyo Galmudug oo Gaalkacyo lagu soo bandhigay (Sawirro)

Ciidamo tababaran oo ku hubeysan gaadiid dagaal, isla markaana wata dareys u gooni ah ayaa maanta dhoolatus ku soo bandhigay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

Ciidamadan oo loogu magac daray (Cobra)  ayaa la sheegay iney ka madax banaan yihiin DF iyo dowlad goboleedka Galmudug,

Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa waxaa sameystay shirkad lagu magacaabo Baraarug oo qaabilsan dhinaca amniga, waxaana la sheegay iney ka howlgeli doonaan degmada xeebta ku taalla ee Hobyo.

DF iyo Maamulka Galmudug ayaan ka hadlin ciidan cusub ee lagu soo bandhigay koonfurta magaalada Gaalkacyo, mana cadda sida ay isula howlgeli doonaan ciidamadan cusub iyo kuwa Galmudug ee hoos taga DF.

Related posts

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo goordhay bilaabaneysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliyaha Itoobiyaanka ah ee Amisom oo loo diiday inuu Kismaayo soo galo iyo Wararkii ugu danbeeyay !!

admin

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---