Baarlamanka Somalia oo maanta kulan xasaasi ah yeelanaya & ajendaha oo la shaaciyey

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyey tan iyo markii la xaliyey qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhashay kala dirida guddiga Maaliyada iyo mooshinkii Madaxweynaha

War xalay ka soo baxay xogheynta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta uu dhacayo kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan oo imaanaya kadib muddo 9 jeer ah oo ay baaqdeen kulamada Baarlamaanka ayaa la sheegay in ajendaha looga hadlayo uu yahay Akhrinta iyo ka doodista miisaaniyadda dowladda 2019.

Wararka ayaa sheegaya in maanta akhrin kale la marin doono Miisaaniyadda 2019 oo xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso in degdeg ah lo ansixiyo ka hor 30-ka Disembar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -