Al Shabaab oo Caawa Sadex askari ku dishay magaalada Boosaaso 

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab caawa fiidkii magaalada Boosaaso ku dileen sadex askari oo katirsan ciidamada Puntland.

Sida aan Wararka ku helnay kooxo biskoolado ku hubeesnaa ayaa goob mehrad ah waxa ay ku dhax dileen sadex askari oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland gaar ahaan kuwa ka dagaalama aaga buuraha Galgala.

Goobjooge ayaa ku waramay in sadexda askari ee katirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland lagu dilay meel ku dhaw xarunta dhexe ee shirkada isgaarsiinta Golis ee kutaala magaalada Boosaaso.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkan loo geestay ciidamada katirsan Daraawiishta Puntland, waxaana war kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidankan lagu weeraray goob isku imaatin ah .

Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgalo balaaran ka sameeyay aaga lagu dilay ciidamadan katirsan Daraawiishta Puntland, lamana oga in howlgalkaasi ciidamada Puntland kusoo qabteen kooxdii dilka geesatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -