Puntland & Jubbaland oo u yeertay xubnihii ugu jiray guddigi farsamada Shirkii Baydhabo

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa u muuqda kuwo ka cagajiidaya ka qeyb galka shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo, kaasoo la soo dhaafay waqtigii loo asteeyey.

Albanaadir Online ayaa ogaatay in xubnihii guddiga farsamada ee Jubbaland uga qeyb galay shirkii arrimaha doorashooyinka ee ka dhacay Baydhaba oo ku sugnaa ay maanta dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.

Sidoo kale warar kale oo soo baxaya ayaa iyana sheegaya in Puntland ay iyana u yeeratay xubnaha guddiga ee ka joogay Muqdisho, waxayna labadaas maamul dalbanayaan in gogosha shirkaas laga bedelo Villa Somalia, sidoo kale beesha caalamka ayey doonayaan inay door ku yeeshaan hir-gelinta heshiisyada laga gaari doono khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka.

Xubnahan ayaa Muqdisho u joogay qaban qaabada shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo Farmaajo u asteeyey in Muqdisho lagu qabto 18 illa 19-kii bishan.

Muqdisho ayaa Jimcihii shalay marti gelisay shaqaaqooyin ka dhashay isku dhacyo dhexmaray banaanbaxyo ay soo abaabuleen musharaxiinta mucaaradka ah iyo ciidamada ammaanka.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka ayaa shaki geliyey ka qeyb galka shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isagoo u sababeeyey rabshadihii shalay ka dhacay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -