Hotel yaab leh oo laga dhisayo Keyn ku taalla dalka Colombia (Daawo Sawirro)

Jabhaddii hubka dhigtay ee FARC ayaa dalka Colombia ka dhisaysa hotel weyn oo ay ka hirgalinayaan qaab nololeedkii jabhadnimada ee ay iyaga soo mareen.

Hotelka ayaa waxa laga dhisey meel kayn ah, waxaa la sameeyay dariiqyo yaryar oo dhirta dhex xulaya, iyo cunto lagu karinayo foorno dhaqameed.

Goobta laga dhisayo Hotelkan oo mar ahaan jirtay meel aanan la tagi karin oo ciidamada dowladda iyo kuwa jabhadda FARC ay isku hor fadhiyeen sanooyin badan ayaa hadda la doonayaa in dadka dalxiiska ah ay tagaan si ay aragti uga qaataan nolosha jabhadnimada.

Jabhaddan ayaa saxiixday heshiis nabadeed, iyadoo ay hubkii dhigeen xubnihii dagaalami jirey. Heshiiska waxaa qeyb ka ahaa in qof kasta oo jabhadda ka tirsanaa uu helayo lacag dhan $215 doolar bishiiba muddo labo sano ah si ay dib ugu dhisaan noloshooda.

Qaar badan oo jabhadda ka mid ahaan jirey ayaa lacagtaas u isticmaalay samaynta iskaashatooyin ay ka mid tahay tan hadda hoteelka dhiseysa.

Einer Lopez oo horey u ahaan jirey taliyeyaasha FARC ayaa sheegay in qorshahan hotelka ay aad ugu han weynyihiin, iyaga oo hadda dhisey dhismo hal dabaq ah oo ay ugu magacdareen Aqalka Cagaaran, magacaas oo ay ka keeneen xaruntii dhexe ee jabhadda looga talin jirey oo iyadu magacaas lahayd.

Waxaa hoteelka laga dhisi doonaa aqalo yaryar oo u eg kuwii jabhadda ay isticmaali jirtay iyo waxyaabo kale oo qofka dareensiin kara nolosha jabhadnimada.

Balse dadka raba in ay iska raaxaystaan, waxa ay dagi karaan qolalka dhismaha Aqalka Cagaaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -