Shirkii Mideynta Galmudug & Ahlu Sunna oo lagu soo gebagebeeyey Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu suna.

Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay hirgelinta heshiiska, isla markaana si wadajir ah looga wada shaqeeyo midnimada Shacabka Galmudug.

Farmaajo ayaa kula dardaarmay dhinacyada Galmudug ee maanta heshiiska taariikhiga ah kala saxiixday iyo guud ahaan shacabka in la hormariyo Galmudug cadawgana hal meel looga soo wada jeesto waxaana uu madaxweynuhu amaanay kartida ay muujiyeen Ahlu sunna iyo Galmudug labaduba.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Urur Goboleedka Wadamada Geeska Afrika ee IGAD kaalinta ay ka qaateen, isagoona sidoo kale bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

“Maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta qiimaha badan ee dhisitaanka iyo marti gelinta Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka qaateen shacabka iyo wax-garadka magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ahayd.

“Heshiiskan waa bilow wanaagsan, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado. Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Masuulyiinta Galmudug iyo madax kale oo fara badan ayaa khudbado qiime leh ka jeediyey munaasabadaas.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa si rasmi ah looga taagay calanka maamulka Galmudug, waxaana madaxtooyada Galmudug ee magaaladaasna furaheeda lagu wareejiyey Madaxweyne Xaaf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -