Haweeney afduub loo heystay 37 sano oo dib u heshay xoriyadeeda (Daawo Sawirro)

Booliska dalka Argeintina ayaa xoog ku soo furtay Haweeney u dhalatay dalkaas oo 1980kii ay qabsadeen kooxaha dadka tahriibiya waxayna 37 sano ka dib la midowday qoyskeeda.

Howlgalka lagu soo furtay haweeneydan waxaa si wadajir ah u fuliyey booliska dalalka Argentine iyo Bolivia.

Halka ay ku sugneyd haweeneydaasi oo haatan 45 jir ah ayaanan la ogayn ilaa bilowgii sanadkan markaas oo boolisku ay heleen xog ah in haweeneydu ay ku sugan tahay magaalada Bermejo ee koonfurta dalka Bolivia.

Booliska ayaa markaa kaddib waxay soo ogaadeen guriga gabadhaasi lagu hayay kaddibna waxay soo daayeen iyada iyo wiil ay dhashay oo 9 jir ah.

Bayaan la shaaciyay ayay booliska Argentine ku sheegeen in haweeneyda loo ogolaaday inay qoyskeeda dib ula midowdo kuwaasoo ku nool deegaanka Mar del Plata.

Bayaanka ayaanan lagu sheegin xog intaas dheer oo ku saabsan cidda mas’uulka ka aheyd afduubka gabadhaasi iyo cida ka dhashay wiilka ay wadato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -