Boqorka Sacuudiga oo si fool xun u bahdilay Wasiirkii ugu tunka weynaa dowlada

Salman Bin Cabdalcasiis oo ah Boqorka Sacuudiga ayaa isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada ka dib waxaa xilkii looga baddalay wasiirkii ugu tunka weynaa Xukuumada.

Wasiirkii arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Al Jubeyr ayaa xilkaas laga qaaday, waxaana hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaasoo ka hooseeya jagadiisii hore.

Tallaabadan oo u muuqata mid ciqaab ah ayaa la rumeysanyahay iney salka ku heyso dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul loogu geystay wariye Jamaal Khaashuqji, oo ku caan baxay dhaleeceynta xukuumadda Riyaad.

Caadil Al Jubeyr ayaa ahaa mas’uul caan ah oo si joogto ah u shaacin jiray hadallada dowladda Sacuudiga ee ku aaddanaa dilkii Khashoqji, isagoo mar xitaa warbaahinta reer galbeedka ku eedeeyey inay dhacdadaas buun buuniyeen.

Boqor Salman ayaa la sheegay inuu doonayo sumcadii boqortooyada inuu soo celiyo taasoo dhaawac xoog leh uu ka soo gaaray dilkla Khashoqgi, waxaana dad badan ay saadaalinayaan in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salman laga yaabo inuu xilkaas waayo, kaasoo si weyn loogu tuhmay inuu abaabulay dilka Kashoqgi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -