Sarkaal ka tirsan ciidanka Dowlada oo Muqdisho ku dilay Taliyihiisa (Sawir)

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in sargaal katirsanaa ciidanka Badda Soomaaliya dekadda Muqdisho ku dhax dilay Sargaal kale oo taliye u ahaa.

Sida aan Wararka ku helnay Sargaalka la dilay ayaa taliye u ahaa sargaalka wax dilay oo isna kuxigeen u ahaa, waxaana dilkan uu ka dhashay Muran dhax maray labada Sargaal ee ciidanka Badda kawada tirsanaa.

Sargaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Saciid Mariino waxa uuna in mudo ah kamid ahaa Saraakiisha ciidanka badda, waxaana lagu dhax dilay xafiis uu ku dhax lahaa Dekadda Muqdisho.

Ciidamada amaanka Dekadda Muqdisho ayaa xiray sargaalka dilka geestay , waxaana sargaalka wax dilay iyo kan la dilay loo qaaday xarunta Dambi baarista ciidanka booliiska ee CID .

S/Guuto Saciid Marino ayaa mar soo noqday abaanduulaha Ciidanka Badda Somalia oo uu ka tirsanaa illaa xiligii dowladii Kacaanka, isagoo la sheegay inuu taliye ka ahaa qeyb ka mid ah dekeda Muqdisho oo qaabilsan ciidamada badda Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -