Allbanaadir.com
NEWS

Weerar culus oo gantaalo ah oo saakay lagu qaaday magaalada Tel Aviv 

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaa saakay oo Axad ah weerar culus oo gantaalo ah waxa ay ku weerareen qeybo kamid ah magaalada Tel Aviv ee caasimada maamulka Israa’iil, waxaana duqeyntan sababtay kala carar.

Gantaalada kooxda Xuutiyiinta saakay ku weerareen caasimadda Israa’iil ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxaana mar qura is qabsaday dhawaaqa ka diga gantaalada, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Tel Aviv.

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa marar badan weeraro gantaalo qaarkood khasaaro geesteen ku qaaday gudaha Israa’iil, waxa ayna weeraradan Xuutiyiinta sheegeen in ay yihiin kuwa ay ku garab istaagayaan kooxda Xamaas.

Dhinaca kale warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay saddex weerar oo duqeymo cirka ah ka geysteen bariga magaalada Saada ee waqooyi-galbeed ee Yemen, mana sheegin khasaaraha weeraradaasi ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Hamdok oo ku goodiyey iscasilaad haddii la fulin waayo hal arrin

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen saldhiga Milatari ee Camp Simba ee dalka…

Cabdi Cade

Farmaajo oo si adag uga hadlay Xiisada u dhaxeysa Shirkadda Hormuud iyo NISA

Cabdi Cade
Taboola Ads ---