Trump oo Booqasho Qarsoodi ah ugu tagay Ciidamada Mareykanka ee Ciraq Jooga (Daawo Sawiro)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa ayaa booqasho qarsoodi ah oon horey loo shaacin waxa ay ku tageen xero Milatariga Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq .

Trump iyo Xaaskiisa ayaa dalka Ciraaq tagay xili dambe habeenkii Krismaska, waxa ayna la kulmeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhiga ciidamada Cirka  ee Al-Asad oo kuyaala magaalada Bagdaad.

Madaxweynaha ayaa markii uu galay hool ay ciidamada ku sugnaayeen si weyn loogu soo dhaweeyay, waxa uuna Madaxweynaha gacan qaaday sidoo kale sawirro la galay ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa saldhiga uu booqday.

Donald Trump ayaa ciidamada Mareykanka uga mahad celiyay howlgalada ay ka wadaan Ciraaq ay kula dagaalamayaan Kooxda Daacish, waxa uuna u sheegay in dagaalka guul ka gaareen.

“Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen, Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.”Ayuu yiri Trump.

Booqashadan uu Trump ugu tagay ciidamada Mareykanka ayaa aheyd mid uu ku dhooro galinayay ciidanka Marykanka ka jooga dalka Ciraaq oo tiradooda lagu sheegay ilaa 5000-kun oo askari.

- Advertisement -