Allbanaadir.com
NEWS

Weerar lagu qaaday goob Al Shabaab qaraxyo baabuur ku diyaarinayeen iyo khasaaro …

Diyaarado dagaal ayaa saakay duqeymo la beegsaday goob la sheegay in Al Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo ismiidaamin ah, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Telefishinka dowladda oo soo xiganaya saraakiil milatari ayaa baahiyay in la duqeeyay garaash weyn oo Al Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo, waxa ayna sheegeen in halkaasi lagu bur buriyay afar gaari oo Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen.

Weerarkan ayaa saraakiisha dowladda sheegeen in lagu dilay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah ugu qaabilsanaa sameynta qaraxyada iyo diyaarintooda.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Al Shabaab howlgalkan  lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxa uuna ballan-qaaday wasiirka in xogta weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay din ka faah faahin doonaan.

Weerarkan dhinaca cirka ah ayaa imaanaya xilli ay socdaan abaabulka howlgalo dowladda dooneyso in ay kusoo afjarto kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar Siiyay Ciidamada sidoo kale baaq u diray Shacabka

Cabdi Cade

Xildhibaan Afrikan ah raalli gelin buuxda u diray Harry Maguire uu horey u weeraray

Cabdi Cade

Buug uu qoray Shakespeare oo lagu iibiyey lacag ku dhaw 10 malyan oo doolar !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---