Mareykanka oo qaatay Go’aan niyad jab ku abuuray Falastiiniyiin badan

Dowlada Mareykanka ayaa go’aansatay in ay hakiso lacag badan oo kaalmo ahaan loo siin jiray dadka reer Falastiin gaar ahaan dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryo  dhulkaasi kuyaala .

Maamulka Madaxweyne Donlad Trump ayaa hakiyay kala bar dhaqaalihii lagu taageeri jiray Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNRWA ee taageerta dadka Falastiiniyiinta gaar ahaan kuwa qaxootiga ah.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in sanadkan bixin doonto 60-Milyan dollar oo deeq ah oo loo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka reer Falastiin balse la haliyay 65 Milyan dollar oo kale qiimeyna lagu sameyn doono tilaabadan Mustaqbalka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in go’aankan Mareykanka dhaqaalaha kaalmada uu ku joojiyay ka walaacsan yihiin, waxa uuna tilmaamay in Kaalmadaasi lagu taageeri qaxootiga Falastiin ayna aheyd mid muhiim ah

Xiriirkii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Falastiin ayaa xumaaday kadib markii Mareykanka u aqoonsaday Qudus Caasimada Israa’iil, waxa ayna horey dowlada Mareykanka ugu hanjabtay in kaalmada ka jari doonto dalalka go’aankooda ka hor yimaada,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -