Shirkii Dhameystirka Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna oo maanta baaqday

Waxaa dib u dhac ku yimid furitaanka Shirkii lagu dhameystiri lahaa Wadahadaladii u dhaxeeyay Maamulada Galmudug iyo Gobolada Dhaxe Ahlu Sunna oo maanta lagu waday in Dhuuso Mareeb ka furmo.

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuuso Mareeb ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid xaflada furitaanka shirka Dhameystirka heshiiska labada dhinac oo qorshuhu ahaa in maanta ka furmo Dhuuso Mareeb.

Dib u dhaca shirkan ayaa lagu sheegay in ay jiraan Wafuud iyo Madax furitaanka shirkaasi ka qeyb gali laheyd oon wali soo gaarin Dhuuso Mareeb, waxaana maanta la filayaa in Madaxdaasi ay ku jiraan Cabdiweli Gaas iyo Shariif Xasan in ay gaaraan Dhuuso Mareeb.

Waxaa sidoo kale la filayaa in magaalada Dhuuso Mareeb maanta gaaraan Wafuud Caalami ah oo ka socda Urur goboleedka IGAD iyo ururo kale kuwaa oo iyana goob joog ka noqonaya dhamestirka Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Madaxwenaha Soomaalia iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa xalay ku hoyday magaalada Dhuuso Mareeb, Madaxweynaha ayaana magaladaasi ka furi doona shirka dhameestirka iyo Midowga Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa horey heshiisyo kala duwan ugu gaaray Dalka Jabuuti iyo magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in heshiiskaasi lagu soo dhameystiro magaalada Dhuuso Mareeb oo xarun u ah Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -