Allbanaadir.com
NEWS

Senator Bob Menendez oo lagu helay in Dahab iyo Lacag qaatay

Xildhibaan ka tirsan aqalka Sente-ka ee Maraykanka, Senator Bob Menendez ayaa lagu helay dhammaan eedaymo musuqmaasuq oo lagu soo oogay Salaasadii, waxaana eedaha loosoo jeediyey ku jira, inuu laaluush isugu jira dahab iyo lacag ka qaatay saddex ganacsade oo ka soo jeeda gobolka New Jersey ee dalkan Maraykanka iyo inuu wakiil shisheeye u ahaa dowladda Masar.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in mudanahani uu ku takri falay awooda xafiiskiisa si uu xulafadiisa uga ilaaliyo dambiyada iyo inuu wax taro asxaabtiisa oo ay ku jirto xaaskiisa.

Xildhibaan Bob Menendez ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu kulamo kala duwan la galay sirdoonka Masar, si uu u debciyo mowqifkiisa, ugana shaqeeyo, sidii loo dedejin lahaa kaalmo ku kacaysa malaayiin doollar oo ah gargaarka Maraykanku uu siiyo dalkaasi.

Menendez ayaase ku dooday inaanu weligii jebin dhaartii uu u maray xafiiskiisa. sidoo kalena aanu marna muwaadin u noqonin dal aan ka ahayn Maraykanka, isla markaana anuu weligiis wakiil u noqon dal shisheeye

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iskuulo waa weyn isku beddelay meel digaagga lagu xanaaneeyo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Hub ay wateen

admin

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---