Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo Isbitaalka Erdogan ku booqday dhaawaca qaraxyadii Maxaas (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka maamulkaas Mudane Mahad Xasan Cusmaan iyo qaar kamid ah Wasiiradiisa ayaa caawa Cusbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho ku booqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxadii al-shabaab ka fuliyeen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha oo u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah ayaa mid mid u dul tagay ciidanka iyo Shacabkii ay waxyeeladu kasoo gaareen Weerarkaas, isagoo warbixinno ku saabsan xaaladooda caafimaad ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Erdogan.

Madaxweynaha ayaa xusay in dagaaladii lala galay al-shabaab lagu jabiyay lagana xoreeyay deegaano degmooyin ka tirsan Hirshabeelle haatanna lagu jiro waqtigii lasoo afjari lahaa alshabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muddo kororsi loo sameenayo Madaxweynaha iyo BFS oo la horgeynayo golaha Shacabka

Cabdi Cade

Iran oo sheegtay iney fashilisay weerar lagu qaaday barnaamijka Nukliyerka (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ka soo baxay furumaha hore ee dagaalka (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---