Taliska Ciidanka Booliska Somalia oo xabsiga dhigay askar ku kacday fal aad loola yaabay

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in xabsiga la dhigay saraakiil ka wada tirsanaa ciidamada Booliska iyo Milateriga oo labada dhinacba ka wada qaadan jiray mushahar.

Taliyaha ciidamada Booliska Gen. Bashiir Cabdi ayaa sheegay in ciidamadan la qabtay ay gaarayaan shan qof, laguna ogaaday isbedelka ku socda ciidamada iyo diiwaangelinta lagu hayo, wuxuuna intaas ku daray inay ku diiwaan gashanaayeen magacyo iyo darajooyin kala duwan.

Shanta sarkaal ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana la sheegay in maxkamad la soo taagi doono, iyadoo taliyaha Booliska uu shaaciyey in Booliska sameyn doono baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaan doono dadka dowladda Xuquuq uga qaata sifo aan sharci ahayn.

Waxaa uu sheegay iney baaritaan ku hayaan askar diiwaan gashan balse aan soo shaqo tegin, iyagoo guryahooda joogana iska qaata mushaharooyinka wuxuuna xusay in aan loo dul qaadan doonin askarta qaabka musuqa ah wax ku raadiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -