Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Barakacayaal ku sugan Dharkeenley (Sawirro)

Hay’ adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Maanta Deeq gaarsiisay Dadka kasoo  Barakacay Gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo deeqda ku wareejisay Markazu Raxma si ay ugu qeybiyaan barakacayaasha

Deeqdan ayaa waxa ay qeyb ka tahay barnaamijka afurinta dadka dantayar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba waxaa raashiinka hay’adu gaarsiisay xarunta alraxma ay isugu jirtay Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Timir loogu talagalay qoysaska dantayar.

Gudoomiye ku xigeenka hey’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan ibraahim Cilmi “Kobac” ayaa sharraxaad ka bixiyay Deeqdan ay dadka barakayaasha ah gaarsiiyeen iyo waxa ay ka kooban tahay, isagoo sheegay In ay hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay sii wadi doonto caawinta dadka masaakiinta ah Bisha barakeysan ee ramadaan

Dhanka kale Axmed Shiikh Mustafa oo kamid ah Maamulka Markazu raxma ayaa Hay’adda Hornuud Salaam Foundation uga mahad celiyay Deeqdan ay soo gaarsiiyeen si loogu qeybiyo dadka masaakiinta ah ee kaso barakacay Gobolka Shabeellaha Hoose eek u sugan degmada dharkenley gaar ahaan siliga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -