Wasaarada Amniga oo liis dheer ka diyaarisay ganacsato dhaqaale ku taageerta Al-Shabaab

Wasaaradda Amniga gudaha dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus u diray qaar ka mid ah ganacsatadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda amniga gudaha Cabdicasiis Xildhibaan ayaa ganacsatadda garoomada yar yar ee ciyaaraha inaysan xirin, isagoo xusay in cidii qaadata amarka Al-Shabaab laga qaadayo doono tilaabo adag.

“Waxaan gacanta ku haynaa liiska Ganacsatado Soomaaliyeed oo lacag lacag siiya Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ku heynaa cadeymo arimahaas muujinaya” ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan oo aan sheegin xiliga ay shaacin doonaan liiska magacyada ganacsatada loo heysto iney dhaqaale siiyaan al-shabaab.

Garoomadda Muqdisho ee dhawaan lagu xiray amarka Al-Shabaab ayuu ku baaqay in la furo, maadaama buu yiri Al-Shabaab aysan ka talin Magaalada.

Al-shabaab ayaa dhowaan ku amartay milkiilayaasha garoomada yar yar ee laga furay xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood iney xiraan, iyagoo ku andacoonaya in ciyaarta Kubada cagta ay tahay mid laga soo minguuriyey dadyow aan islaam aheyn, waxaana amarkaas uu sababay iney xirmaan garoomo badan ka dib markii milkiilayaashii lahaa ay naftooda u baqeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -