Kooxo Dhibaato ku hayay Shacabka Muqdisho oo maanta gacanta lagu dhigay

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta ku dhigay kooxo hubeesan oo dhac iyo dhibaatooyin kale ku hayay shacabka ku dhaqan Degmada Yaqshiid iyo degmooyin kale.

Kusimaha Gudoomiyaha degmada Yaqshiid Maxamed Xasan Gaafow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxo hubeesan oo watay mooto bajaaj oo dhac ka geesanyay degmada Yaqshiid gacanta lagu soo dhigay.

Waxa uu sheegay Gaafow in afar nin oo ku hubeesan labo biskoolad sidoo kale watay mooto bajaaj dhac ka bilaabeen qeybo kamid ah degmada Yaqshiid, waxa uuna xusay in dabo gal burcadaasi lagu sameeyay lagu qabtay degmada Kaaraan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in burcada hubkii ay wateen iyo waliba moobeeladii ay dhaceen gacanta lagu hayo, waxa uuna tilmaamay in la horgeyn doono sharciga si loogu qaado dacwada dambiga ay geesteen.

Burcada hubeesan ee adeegsada mooto bajaajta ayaa dhibaato xoogan ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxa ayna burcadan inta badan dadka ka dhacaan moobeelada iyo agabka kale ee qaaliga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -