Al Shabaab oo Shaacisay Sababtii Sheekh Muqtaar Roobow dhankooda uga soo goostay

Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeesay ka hadashay go’aankooda ku aadan Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaa kooxdaasi balse markii dambe kasoo goostay.

Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) Afhaeenka guud ee Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in mudo soo jireen ah uu taagnaa kala aragti duwanaasho u dhaxeysay Hogaanka Al Shabaab iyo Abuu Mansuur.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa ku eedeeyay Abuu Mansuur in uu wada shaqeyn la lahaa Hey’ado Shisheeye uuna doonayay in hay’adahaasi ay danahooda ka gaaraan gobolada ay joogaan Al Shabaab.

“Arrinta 1-aad: Waxaa la ogsoon yahay in waddanka ay aad ugu baahsanayeen hay’ado kirishtaan ah oo ku gabbanayey in ay yihiin sama fal, kuwaasoo kuhayay dalka boob, iyo ragaadin dhaqaale, faafinayay kirishtaanimada, anshax xumo, iyo cuduro, laakiin markay Allah mahadiis hanaqadeen wilaayaatka islaamigaa, waxay bilaabeen mujaahidiintu iney daba galaan hawlaha qarsoon ee hay’aduhu ka hayeen Wilaayaatka Islaamiga, kana hortagaan ajandayaasha qarsoon ee kirishtaanku ay ka wadeen dalka. Arrintaasi way u cuntami waysay muktaar roobaw, waxayna ku bixisayin uu garabka saaro hayadaha gaalada difaacana ajandayaashooda gurracan, isagoo lalahaa xiiriro hoose, kulano iyo shirar qarsoodiyaoo uu la qaadanayey” Ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa intaa raaciyay in hay’adahaasi ay talaabo adag ka qaadeen kana saareen gobolada ay Al Shabaab ka taliyaan, waxa uuna xusay in Abuu Mansuur uu hay’adahaasi wada shaqeyn hoose la lahaa marar badan ku goodin jiray in uu ka baxayo Al Shabaab.

Cali Dheere ayaa sheegay in Sheekh Muqtaar uu doonayay in loo hogaansamo dalabaadka qaar kamid ah dowladaha shisheeye islamarkaana wadada hadal lala galo dowladaha kaba qaadka u ah ee ay iyagu dhisteen si Al Shabaab looga gorgortamo waxa loogu yeero beesha caalamka, Waxa uu sheegay in la isku la isku dayay in Al Shabaab lakala jebiyo balse laga hortagay arintaasi.

“Arinta ee ay isku hayeen mukhtaar roobow iyo mujaahidiintu ayaa ah mid caqadiya sida uu asaguba sheegtay taas oo ah mawqifka diiniga ah ee waajibka tahay in laga qaato waxa loogu yeero beesha caalamka, ama waxa la dhaho qawaniinata dawliga ah, kaas oo ay xarakadu ka qaadatay mawqifkii nabiyyullaahi ibraahiim CS kadibna nabi muxammad SCW ay ka qaateen dawaaqiida calamka, Go’aankaasina uma cunanmin Muqtaar Roobow aakhirkiina waa tan keentay inuu u hogaansamo waxa loogu yeero beesha caalamka iyo dowlada Federaalka ee ay beesha caalamku dhisatay si ay ugula dagaalamaan ku dhaqanka sharciga Alaah” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Muqtaar uu marar badan isku dayay shirqoolo isagoo jooga deegaanada Al Shabaab ka taliyaan sida isku daygii ugu dambeeyay ee uu ku baxay balse ay Al Shabaab uga hor tageen sidii loogu tala galay.

“Qorshaha ay gaaladu damacsaneyd ee Roobowna uu waafaqay ayaa aheyd in ciidan lagu diyaariyo gudaha wilaayaadka Islaamiga ah, Roobowna uu qaato hirgelinta abaabulka ciidan, dhaqaalaha iyo hubka ku baxayana ay bixiso dowlada mareykanka, iyadoo gacan saar kala yeelaneyso dowlada itoobiya. Allah mahadii waxaa ah in hubkii ay gaaladu usoo dhiibtey in badan oo kamid ah ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen. Hadafka ay lahaayeen gaaladuna wuxuu ahaa in ay ugu suureeyaan ummada inuu yahay dagaal u dhaxeeyo dad muslimiin ah ka hor tageen, gacantana ku dhigeen hub ay shisheeyuhu usoo dhiibeen” Ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay in Abuu Mansuur aysan u hergali doonin qorshayaasha uu wato uuna mari doono sida uu sheegay Wadadii ay horey u mareen Sheekh Shariif iyo Sheekh Axmed Madoobe.

Afhayeenkii hore ee Al Shabaab Sheekh Muqtaar roobow Abuu Mansuur ayaa dhawaan dagaal kula galay gobolka Bakool Xarakada Al Shabaab waxa uuna markii dambe isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya oo hada wadahadl uu kula jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -