Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Baraha Twitterka ee Madax iyo Maalqabeeno caan ah oo si baahsan loo jabsaday

Madax iyo maalqabeeno dunida caan ka ah ayaa xalay la jabsaday barihii ay ku lahaayeen shabakadda Twitter oo ka mid ah baraha bulshada ay ku wada xiriirto.

Xadgudubkan ayaa lala xiriiriyay burcadda Internet-ka oo markii ay la wareegeen bogagaas shaqsdiyaadka iska leh ka dalbaday iney bixiyaan lacag, nooca loo yaqaano Bitcoin.

“$1,000 adeegga Bitcoin ah soo xawil aan $2,000 kuu soo celiyee” ayaa lagu soo daabacay bogagga Bil Gates, Joe Biden, Obama, Jeff Besos iyo dad kale oo badan.

Inkastoo saacado kaddib la xaliyey mashaqadan, hadana weerrarada internet-ka ayaa soo bata waqtiyada doorashada dalka Mareykanka.

Masuuliyiinta shirkadda Twitter ayaa sheegay inay saacadaha soo socda war kasoo saari doonaan qaabka arrintani ku dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump is Taking America Back to Medieval Evil

Caydiid Ali

Saraakiil Ciidan oo la sheegay in qaraxyada soo galiyaan Muqdisho kuna qaataan lacago

Cabdi Cade

Dagaalka Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi oo ka sii daray iyo shirkii Wadatashiga oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---