Allbanaadir.com
NEWS

Garsoore si ula kac ah u haraatiyay ciyaaryahan oo la ganaaxay (Daawo Sawirada) 

Mid kamid ah Garsoorayaasha Horyaalka dalka Faransiiska ayaa ku kacay fal dad badan layaab iyo fajiciso ku noqotay, kadib markii uu si ula kac ah u haraantiyay ciyaaryahan katirsanaa Kooxda Nantes.

Ciyaar u dhaxeysay kooxaha PSG iyo kooxda Nantes ayaa gabo gabadii ciyaaryahanka daafaca uga ciyaara kooxda Nantes Diego Carlos waxa uu si aan kutala gal aheyn ugu dhacay garsooraha oo xiligaasi usii ordayay dhinaca goosha Nantes oo weerar lagu ahaa.

Garsoore Tony Charpon ayaa markii uu dhacay soona istaagay waxa uu si ula kac ah u haraantiyay ciyaaryahankii ku dhacay, waxa uuna ugu sii daray in uu kaarka casaanka ah siiyo kana saaro garoonka.

Xiriirka kubada cagta Faransiiska ayaa ilaa amar dambe shaqada ugu joojiyay Garsoore Tony Charpon oo falka uu ku kacay dad badan ka caroodeen, waxaana laga bedelay ciyaaro uu ku qornaa in  uu garsoore ka noqdo.

Warbixin ka soo baxday xafiiska FA-ga Faransiiska waxaa lagu sheegay in laanta ay ku mideysan yihiin garsoorayaasha iyo guddigooda anshaxa ay go’aansadeen in Tony Chapron  shaqada laga joojiyay illaa amar dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray xarumaha heyaddaha Garsoorka dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawiro) Sida loo qurxiyey goobta lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Puntland

Caydiid Ali

Burcad hubeesan oo saakay lagu dilay Dayniile iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---