Dedaal Mukhtaar Roobow lagu sii deynayo oo ka socda Magaalada Muqdisho

Warar hoose oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya iney socdaan dedaalo lagu sii deynayo sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ahaa musharixiintii u taagneyd qabashada madaxtinimada Koonfur galbeed soomaaliya.

Mukhtaar Roobow ayay dowladda Soomaaliya  ka soo xirtay magaalada Baydhabo ee Gobalka bay 13kii bishan aynu ku guda jirno ka dib amar la sheegay inuu kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo.

Magalaada Muqdisho waxaa kulama ku yeelanayay maalmahan xildhibaannada Koonfur galbeed ku matala baarlamaanka Soomaaliya iyo  siyaasiyiin kuwaasoo ka arrinsanayay sii deynta Sheekh Mukhtaar Roobow.

Ilo ku dhow dhow xildhibaanadan ayaa sheegaya in kaga yaabo saacadaha iyo maalmaha soo socda in xoriyadiisa loo celiyo, waxaana jira shuruudo dowladu ku xirtay sii deyntiisa kuwaasoo Roobow uu ogolaaday badankood.

Dowlada Somalia ayaa ka cabsi qabta in haddii la sii daayo Roobow uu qas iyo fowdo cusub ka bilaabo magaalada Baydhabo, balse qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda koonfur Galbeed ayaa la sheegay iney ku qancinayaan dowlada sii deynta Roobow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -