Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo xaflad soo dhaweyn ah xalay loogu qabtay Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Gaalkacyo loogu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdiga la socda.

Waxaa kasoo qeyb galay Munaasabadan Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya, Senetaro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Masuuliyiin kale,

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabada soo dhweynta ah ee loo sameeyay ayaa aad ugu mahad celiyay Madaxda iyo bulshada sida quruxda badan ee usoo dhaweeyeen, waxa uuna amaanay heshiiska Nabada ee wada gaareen reer Gaalkacyo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoonka Labada Aqal oo magacaabay Guddi saaxiibtinnimo oo ka kooban 21-xubnood

Cabdi Cade

Dowlada oo ka hadashay Wararka sheegaya in uu isbadal ku yimid Go’aankii Mudo kordhinta

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah : In ka badan 190 Xildhibaan oo hada kulan ku leh Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---