Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Musiibo Dad badan oo ku dhinteen oo ka dhacday dalka Indonesia (Daawo Sawirada)

Dhul gariir badda hoosteeda ku dhuftay ayaa dhibaato aad u xoogan ka geesatay Jaziirado iyo magaalooyin  kuyaala dalka Indonesia , waxaana hada socda baadi goob loogu jiro dad badan oo wax ku noqday dhul gariirka.

Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 200-qof ayaa ku dhintay Tsunamiga ku dhuftay dalka Indonesia, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan, waxaa sidoo kale jira dad aan la heyn nolol iyo geeri.

Guryo, Hoteelo iyo dhismayaal kale oo badan ayaa ku dumay dhulgariirka iyo duufaanta Tsunamniga ee ku dhuftay xeebo kuyaala dalka Indonesia, waxaana dadka ugu badan ee dhintay ay joogeen dhul xeebeed.

Dhul gariirka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay sababtay fulkaano badda hoosteeda ka qaraxday , waxaana fulkaanadaasi ka dhashay dhul gariir iyo duufaano xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Caro ka dhalatay Wasiir ka tirsan Isra’iil oo booqday Masjidka Al-aqsa

Caydiid Ali

Nin ka lumay hooyadiis oo dib ula Midoobay ku dhowaad 50 sano ka dib (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---