Saraakiil katirsan ciidamada AMISOM oo bilado iyo shahaadooyin la gudooniiyay

Saraakiil katirsan Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa la gudoonsiiyay bilad sharaf iyo shahaadooyin ay ku muteesteen shaqo adag oo la sheegay in ay ka dhax qabteen ciidanka ay katirsan yihiin.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Dhaxe ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho ayaa shahaado sharaf iyo bilado lagu gudoonsiiyay saraakiil katirsan ciidamada AMISOM oo kasoo kala jeeda qaar kamid ah wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Afhayeenka AMISOM, Gaashaanle Sare Richard Omwega ayaa amaanay saraakiisha la siiyay abaal marinaya iyo biladaha , waxa uuna balan qaaday in AMISOM ay sii wadi doonto abaal marinada ay siiso Saraakiisha iyo ciidamada shaqo wanaag la yimaada.

Saraakiisha iyo ciidamada AMISON ee qabta shaqooyinka adag ayaa la siiyaa abaal marino iyo bilado lagu sharfo, waxaana tilaabadan ay tahay mid lagu dhiiro galinayo ciidamada Nabad ilaalinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -