Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Qarax geystay khasaare nafeed ayaa ka dhacay degaanka Weydow oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo lala lala eegtay gaari uu watay  Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada ee degaanka Garasbaaley Cabdullaahi Cabdi Max’uud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah agagaarka Isbitaalka Macaani ay ku dhaawacmeen afar ruux oo rayid ah kuwaasoo wadada marayay, waxaana dhaawacooda loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Masuulkii qaraxaas lala beegsanayey iyo ilaaladiisa ayaa ka badbaaday, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay maamulka degaanka Garasbaaley.

Degaanka Weydow iyo degaanada kale ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo loo adeegsado miinada dhulka lagu aaso taas oo lala eegto mas’uuliyiinta dowladda iyo Ciidamada dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Ciise Guutaale oo la wareegay xilkii ay dhowaan u Magacowday DF (Sawirro)

Caydiid Ali

Dilal saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Guddi loo magacaabay xalinta xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---