Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Caro ka dhalatay Wasiir ka tirsan Isra’iil oo booqday Masjidka Al-aqsa

Wasiirka midigta-fog ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir ayaa maanta booqday dhismaha masjidka barakeysan ee Al-Aqsa markii ugu horreysay tan iyo markii uu noqday wasiir taasoo ka careysiisay Falastiiniyiinta.

Booqashada Ben-Gvir ayaa timid maalmo kadib markii uu la wareegay xilka Wasiirka amniga qaranka, xilkaasoo awood u siinaya maamulka booliska.

“Israel isuma dhiibi doonto hanjabaadaha Xamas,” Ben-Gvir ayaa sidaas ku yiri bayaan uu daabacay afhayeenkiisa, kadib markii Xamas ay ka digtay in tallaabadan ay tahay khad cas pp laga talaabay.

Al-Aqsa waa meesha saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka, sidoo kalena Yuhuuda ayaa u arka goobta ugu barakeysan diintooda, kuwaas oo ugu yeera Temple Mount.

“Temple Mount waa meesha ugu muhiimsan dadka Israa’iil, waxaana ilaalinaynaa xorriyadda dhaq-dhaqaaqa Muslimiinta iyo Masiixiyiinta, laakiin Yuhuudda waxa ay sidoo kale fuuli doonaan buurta, islamarkaana kuwa hanjabaadda sameynaya waa in lagula macaamilaa – gacan bir ah,” ayuu yiri.

Dhismahan oo ku yaala bariga Qudus ee ay Israa’iil haysato, ayaa waxaa maamula Golaha Arrimaha Islaamka ee Waqf, iyadoo ciidamada Israa’iil ay halkaas ka howlgalaan islamarkaana maamulaan gelitaanka.

Ben-Gvir ayaa u ololeeya in dib u habayn lagu sameeyo maamulka goobta si loogu ogolaado Yuhuudda inay ku tukadaan, tallaabadaas oo ay ka soo horjeesteen mas’uuliyiinta wadaaddada Yahuudda.

Ilaalada Waqf ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Ben-Gvir ay la socdeen cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka Israa’iil, iyadoo diyaarad aan duuliye lahayn ay dul heehaabaysay Al-Aqsa.

Inkasta oo Ben-Gvir uu marar badan booqday Al-Aqda tan iyo markii uu soo galay baarlamaanka April 2021, haddana inuu tago isaga oo wasiir ah ayaa leh miisaan aad u culus.

Booqasho muran dhalisay oo sanaddii 2000 uu Al-Aqsa ku tegay hoggaamiyihii mucaaradka ee xilligaas Ariel Sharon ayaa noqotay mid ka mid ah waxyaabihii ugu weynaa ee kiciyay kacdoonkii labaad ee Intifada oo socday ilaa 2005.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa cambaareysay booqashada Ben-Gvir oo ay ku tilmaantay “daandaansi aan horay loo arag iyo halis dhab ah.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma dhab baa in Guddoomiye Mursal oo ka soo horjeedo kala dirista guddiga Maaliyadda?

Caydiid Ali

Farmaajo oo la kulmay, Madaxda Ahlu sunna & Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiilal Walaalo ah oo si arxan darro ah u dilay nin Hooyadood xiriir jaceyl kala dhaxeeyay

Cabdi Cade