Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo booqday xarunta shirkadda Huawei (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta dhexe ee Shirkadda ganacsiga Huawei ee dalka Shiinaha ayaa ku dhiirigaliyay mas’uuliyinta shirkadda sidii ay qayb uga noqon Maalgashiga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda XFS mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa madaxda Shirkadda la wadaagay fursadaha Maalgashi ee waqtigan ka jira dalkeenna, gaar ahaan horumarka Soomaaliya ka sameysay dhinaca Tignoolajiyadda.

Booqashadan waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo qayb ka ah safarka Madaxweynaha ee dalka Shiinaha.

Related posts

Qalab loogu talogalay doorashada Aqalka sare oo lagu wareejiyay Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

Jeneraal Odawaa oo Abaabul Dagaal ka bilaabay gobol Al Shabaab ku xoogan yihiin

Cabdi Cade

Jabuuti oo gacanta dowlada Somalia ku soo celisay hanti maguurto ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---